Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Aston Villa.
Daqiiqadii 4-aad kooxda Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Ollie Watkins, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jack Grealish.
23 daqiiqo markii ay ciyaarta aheyd Aston Villa ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay dheesha Ollie Watkins, iyadoo uu markale goolkan caawiyay Jack Grealish.
Laakiin daqiiqadii 33-aad kooxda Liverpool ayaa dhalisay waxaana 2-1 ka dhigay dheesha Mohamed Salah.
35 daqiiqo John McGinn ayaa ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Aston Villa.
Daqiiqadii 39-aad kooxda Aston Villa ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, kaddib markii uu Ollie Watkins dhaliyay goolkiisii saddexaad ee dheesha, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-1.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 55-aad Ross Barkley ayaa ciyaarta ka dhigay 5-1 ay ku hoggaamineysay naadiga martida loo ahaa ee Aston Villa, waxaana markii saddexaad goolkan caawiyay Jack Grealish.
Daqiiqadii 60-aad Liverpool ayaa dhalisay gool, kaddib markii uu Mohamed Salah dheesha ka dhigay 5-2, waxaana goolkan ka caawiyay Roberto Firmino.
Laakiin daqiiqadii 66-aad Jack Grealish ayaa ciyaarta ka dhigay 6-2 ay ku hor ka ceyso kooxda Aston Villa. Kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Ollie Watkins.
75 daqiiqo Jack Grealish ayaa ciyaarta ka dhigay 7-2 ay ku hor ka ceyso kooxda Aston Villa. Xilli caawinta goolkan uu lahaa John McGinn.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 7-2 ay kaga adkaatay Aston Villa kooxda Liverpool oo ay marti ugu noqotay garoonka Villa Park, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahay kulamada Isbuuca afaraad ee horyaalka Premier League.
SAWIRRO: