Kooxda Arsenal oo qarka u saaray inay dalab heshiis kordhin ah hordhigto Aubameyang… (Imise Mushahar ah ayuu isbuucii ku qaadanayaa?)

0
177

(London) 03 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay qarka u saaran tahay inay heshiis cusub ku abaal-mariso ciyaaryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana haddii uu heshiis kordhintan aqbalo uu Gunners mushahar ahaan isbuucii uga qaadan doonaa 250 kun oo gini.

Tababare Mikel Arteta ayaa la sheegayaa inuu u sheegay Aubameyang inuu ku soo biiro liiska xidigaha ugu magaca weyn ee kooxda Arsenal isla markaana uu kooxda kuna hoggaamiyo jihada cusub ee ay u dhaqaaqayso.

Haatan xilli ciyaareedku wuu dhammaaday Arsenal-na waxay heysaa fikrad cad oo ku saabsan saadaasha maaliyadeed ee ay u fadhiisan doonaan si ay ula falanqeeyaan xaaladda Aubameyang, sida ay daabacday Jariiradda The Mirror.

Laacibka ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo heshiis saddex sano ah oo kula qaadan doono Gunners ilaa marka uu jirsado 34-sano, isagoo qaadana mushahar dhan 250 oo kun oo ginni isbuucii.

Heshiiska noocan oo kale ah waxa uu cirka u ridi doonaa Aubameyang ilaa uu ka noqdo mid ka mid ah ciyaartoydii ugu mushaharka sarreysay taariikhda kooxda Arsenal, isagoo ka dambeeya heshiiska isha lagu hayo ee ah 350 oo kun oo ginni isbuucii oo uu qaato Mesut Ozil.

Aubameyang ayaa haatan Gunners ka qaata mushahar dhan 180,000 oo gini isbuucii, waxaana heshiiskiisa uu ku eg yahay xagaaga soo socda, laakiin heshiiskiisa waxaa ku jira in qandaraaskiisa lagu kordhin karo 12 bilood oo kale haddii la isku raaco.

Gool FM.