Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shaaca ka qaaday inay calaamadda hoggaaminta ee kabtannimo ka xayuubisay Pierre-Emerick Aubameyang, kaddib markii uu ku kacay axshaxdarro.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laga qaaday waajibaadkii kabtannimo ee Kooxda Arsenal, sida ay ku dhawaaqday Gunners, kaddib markii uu jabiyay anshaxa kooxda, taasoo sababtay inuu siibo calaamadda kabtannimo.
Sidoo kale kooxda Arsenal waxa ay xaqiijisay inuusan Aubameyang u ciyaari doonin kulanka habeen dambe ay la dheelayaan West Ham United ee horyaalka Premier League.
Bayaan ka soo baxay Arsenal oo lagu xaqiijiyey warkaan ayaa u dhignaa: “Innaga oo ka duulayna sharci-jabintii uu sameeyey toddobaadkii hore, Pierre-Emerick Aubameyang ma sii ahaanayo kabtanka kooxda, kumana daranayo liiska kooxda ee Abracada la ciyaaraya West Ham United.
“Waxaan ka fileynaa dhammaan ciyaartoydeenna, gaar ahaan kabtankeenna, inay ka shaqeeyaan shuruucda iyo xeerarka aan dejinay dhammaanteen oo aan ku heshiinnay.
“Waxaan hadda diiradda saaraynaa kulanka berri.” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka ka soo baxay maanta kooxda Arsenal.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kabtanka kooxda loo magacaabay labo sano ka hor markii uu Tababare Unai Emery ka qaaday Granit Xhaka oo ay isku dhaceen taageereyaasha Arsenal, kuna aflagaaddeeyey gudaha garoonka.