Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa qorsheynaysa inay 180 milyan oo gini kala soo baxdo saddex saxiix oo waa weyn suuqa xagaaga.
Arsenal ayaa diyaar u ah inay qarash-gareyso lacagihii ugu badnaa suuqa xagaaga taariikhdeeda, waxaana ay bartilmeedsanaysaa xiddiga Real Sociedad ee Alexander Isak, Everton Weeraryahankeeda Dominic Calvert-Lewin iyo khadka dhexe ee Wolves, Ruben Neves, sida ay warisay The Sun.
Milkiilaha Gunners ee Stan Kroenke ayaa doonaya inuu garab istaag u muujiyo macallinka Kooxda ee Mikel Arteta, isagoo diyaariyey miisaaniyad dhan 180 milyan oo gini oo u dhiganta 244 milyan oo dollar si uu saddexdaan saxiix u sameeyo.
Yeelkeede, heshiisyadaan ayaa ku xiran inay Kooxda Arsenal u soo baxdo tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe, waxaana ay haatan horyaalka Premier League kaga jirtaa kaalinta lixaad.