Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay dardar xooggan oo ay labada koox isugu dayeen inay hoggaanka ciyaarta ugu qabtaan.
Gool uu dhaliyay Frenkie Kessie ayaa laga diiday AC Milan kaddib markii muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR uu muujiyay inuu kubadda gacanta ku taabtay xiddiga Milan ka hor inta uusan goolka la beegsan.
Sidoo kale waxaa la diiday gool uu dhaliyay Rafael Leao kaddib markii uu qaatay kubadda isagoo ku jira dadab dhaaf.
Man United ayaa iyaduna dhankeeda sameysay isku dayo wanaagsan, waxaana xusid mudan in fursad qaali ah uu ka lumiyay kabtankooda Harry Maguire kaddib markii uu kubadda ku dhuftay birta.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku idlaatay barbarro goolal la’aan ah, inkastoo ay badnaayeen fursadaha ay abuureen labada koox.
Markii dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee ciyaarta ayaa waxaa hoggaanka Manchester United u dhiibay Amad Diallo oo baddel kusoo galay ciyaarta daqiiqaddii 50-aad.
Milan ayaa isku dayo badan sameysay markii goolka laga dhaliyay, balse Red Devils ayaa iska caabisay weeraradii Roseneri.
Dadaalladii Milan ayaa miro dhalay dhammaadkii ciyaarta kaddib markii uu Simon Kjaer shabaqa dul dhigay madax qurux badan kubbad uu si wanaagsan usoo qaaday Rade Krunic oo geesta kasoo laaday.
Ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay barbarro 1-1, waxaana kooxda soo gudbeysa la go’aamin doonaa ciyaarta lugta labaad ee ka dhici doonta garoonka San Siro Stadium ee dalka Taliyaaniga.