Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Old Trafford, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League
Qeybta hore ee deesha ayeey labada kooxood Manchester United iyo Chelsea ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 60-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Marcos Alonso kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Kai Havertz.
Laakiin 62 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester United ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay ciyaarta Cristiano Ronaldo oo caawin ka helay saaxiibkiis Matic.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Manchester United iyo Chelsea, kaddib kulan aad u xiiso badan oo qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ay ku ciyaareen garoonka Old Trafford.