Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.
Daqiiqadii 12-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Sadio Mane, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Joel Matip.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
82 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda West Bromwich Albion ayaa la timid goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Semi Ajayi, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Matheus Pereira.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen kooxaha Liverpool iyo West Bromwich Albion, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Anfield.
SAWIRRO: