Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich oo u gudbay wareega Siddeed dhammaadka tartanka UEFA Champions League

0
238

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa iska xaadirisay wareega siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, inkastoo ay guuldarro 0-1 ah ay kala kulantay Inter Milan, haddana way gudubtay maadaama ay kulankii lugta hore ku soo adkaatay 0-2.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Inter Milan iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 61-aad Inter Milan ayaa hogganka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay weeraryahankooda L. Martinez, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Alexis Sánchez.

Laakiin daqiiqadii 63-aad Inter ayaa noqotay 10 ciyaaryahan maadaama kaarka roosaha laga siiyay weeraryahankooda Alexis Sánchez.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga adkaatay Inter kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, laakiin Reds ayaa iska xaadirisay wareega xiga ee siddeeda, maadaama kulankii lugta hore ay ku soo adkaatay 0-2.

Dhinaca kale kooxda Bayern Munich oo jaratay tikitkeeda wareega dhammaadka tartanka UEFA Champions League, ayaa waxay goolal 7-1 ah ku xaaqday naadiga FC Salzburg, R. Lewandowski ayaa saddexleey dhaliyay, halka laba gool uu dhaliyay Muller iyadoo ay min hal gool kala dhaliyeen Gnabry iyo L. Sane.