Tumblr Pinterest Reddit VKontakte Odnoklassniki PocketDhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxaha reer England ee Liverpool iyo Chelsea ayaa diiradda ku haya oo ku tartamaya saxiixa xiddiga Michael Olise.
Warsidaha TeamTalk in kooxaha Reds iyo Blues ay ku tartamayaan haatan saxiixa laacibka garabka kaga ciyaaraha naadiga Reading ee Michael Olise.
18-sano jirkaan ayaa sidoo kale la la xiriirinayaa Kooxaha Borussia Dortmund, AS Monaco iyo Napoli kaddib markii uu galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa haatan.
Olise wuxuu waqti ku soo qaatay da’yarta kooxaha Chelsea iyo Manchester City ka hor inta uusan ku biirin Kooxda Reading sanadkii 2016-kii, wuxuuna si xooggan ku bilaabay Championship-ka xilli ciyaareedkan 2020-21.