Kooxaha Juventus iyo Bayern Munich oo ka heshiiyay saxiixa Matthijs de Ligt

0
196

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daafaca reer Holland iyo kooxda Juventus ee Matthijs de Ligt ayaa qarka u saaran inuu si rasmi ah ugu biiro Bayern Munich, inta lagu jiro suuqa xagaagan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

Suxufiga arrimaha suuqa kala iibsiga aadka wax uga qora laguna qadariyo ee Fabrizio Romano ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay:

“Bayern Munich iyo Juventus waxay shalay gaareen heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan heshiiska De Ligt, iyadoo heshiiska uu ku kacayo qiimo dhan 70 million euros, marka lagu darro 10 million euros oo ah gunnooyinka.

Fabrizio Romano ayaa intaas ku daray: “Heshiiska waxa la dhamaystiri doonaa bilawga todobaadkan, De Ligt waxa uu aadi doonaa Munich si uu tijaabada caafimaad u maro oo uu u saxiixo heshiiska isaga oo ah ciyaaryahan cusub oo Bayern ah.”

Romano ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Heshiiska De Ligt waxa uu soconayaa ilaa June 2027, Bayern waxa ay horey ugu dirtay wakiilkiisa Rafaela Pimenta.”

Waxaa xusid mudan in Juventus ay isku dayeyso inay lasoo saxiixato xiddiga reer Brazil iyo kooxda Torino  ee Gleison Bremer, si ay kaga dhigato bedelka ciyaaryahanka reer Holland.