Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)–Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge ee galbeedka Magaalada London, kulan qeybtii hore la iska dhaliyey afar gool labada dhinac.
Kooxda Liverpool ayaa goolasha la horreysay waxaana Chelsea oo marti loo ahaa looga naxsaday labo gool, Sadio Mané ayaana goolka hore u daah rogay Reds daqiiqadii 9-aad ee billowgii ciyaartay, Blues ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.
Markale Reds waxa ay la timid goolka labaad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyey Mohamed Salah oo caawin ka helay Alexander-Arnold, waxaana xiddiga reer Masaru u dhaafay Alonso shabaqana ku hubsaday goolka labaad ee Liverpool daqiiqaddii 26-aad.
Chelsea ayaa wixii markaas ka dambeeyey hurdada ka soo toostay, waxaana hal gool u soo celiyey Mateo Kovačić kaddib markii uu gool qurux badan ugu shubay oo uu bannaanka xerada ganaaxa ka tuuray kaddib markii uu laad xor ah oo jaranjeer ah laga tufay Alonso 42’daqiiqo.
Kooxda martida loo ahaa ayaana ciyaarta garbo siman ku soo celisay kaddib markii kubbad uu caawinteeda lahaa Kante uu shabaqa dhigay Christian Pulisic dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta, kulanka ayaana lagu kala nastay gar isku mid ah 2-2.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay labada kooxood ayaa sameeyey weerar iyo weerar celis laakiin koox ku guuleysatay ma jirin inay dhaliso gool, kulanka ayaana ku soo dhammaaday barbaro 2-2.
Chelsea ayaa sii fadhin doonta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 43-dhibcood, halka Liverpool oo ku jirta kaalinta saddexaad ay hal dhibic ka dambeyso Blues, isla markaana leedahay 42-dhibcood.
SAWIRRO: