Koox dhallinyaro Turkish ah oo caqabad ku noqday madaxweyne Erdogan.

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Koox dhallinyaro Turkish ah oo loo yaqaan Kun-ka Dhallinyarada ee Falastiin ayaa caqabad adag ku haya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyagoo isticmaalaya baraha bulshada si ay u soo bandhigaan ganacsiga wali uu Turkiga la leeyahay Israel.

Tani ayaa imanaysa iyadoo uu Erdogan si cad ugu doodayo in uu cunaqabatayn ganacsi oo adag u saaray Israel dagaalka ay ka waddo Gaza awgeed.

farriinta kooxda dhallinyarada ah ayaa saameyn ku yeelaneysa dadka Turkiga ee ku kala qaybsan arrimaha siyaasadda.