Dhobley(Idaacadda Sanguuni)Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa bilowday qorshe
dadka lagaga daad guraynayo magaalada bariga dalkaas ku taal ee Goma oo
fulkaani weyni ka qarxay.
Daad dhamac dhagax dhalaalay ah ayaa ka soo rogmaday buurta Nyiragongo
oo hollaca ka baxayaana magaalada ku shareeraay daruuro midab cas ah,
waxaana magaaladaa ku nool laba milyan oo qof.
Kumanaan qof oo argagaxsan ayaa magaalada lug kaga baxay
Buurta fulkaanuhu ka qarxay waxay magaalada u jirtaa 10km, markii ugu
dambaysay ee halkaa fulkaane ka qarxaana waxay ahayd sannadkii 2002 oo
waagaa ay ku dhinteen 250 qof 120,000 oo qofna ku guryo beeleen.
Dad badan oo furaashyo iyo maacuun kale sita ayaa la arkayey iyaga oo qaxaya
oo xadka uga talaabaya dhanka bari ee Rwanda, ka hor xataa digniinta
dawladdu intii aanay soo bixin taas oo ay shaacisay dawladu dhawr saacadood
ka dib markuu qaraxa fulkaanuhu bilaabmay.
Maamulka Rwanda ayaa sheegay in qiyaastii 3000 oo qof ay durba xadka ka
soo talaabeen. Dad kale oo magaalada Goma degan ayaa iyaguna u qaxay
dhulka taagga ah ee galbeedka magaalada.
Dhinac labaad ayuu hadada fulkaanu ka faruurmay waxaanu daad dhamac ahi
u rogmaday dhanka koonfureed ee magaalada oo wuxuu gaadhay madaarka
magaalada oo ku yaal dhanka bari.
Korontada ayaa ka go'day meelo badan oo magaalada ah wadooyinka
waaweyn mee isku xidha magaalada Goma iyo Beni ayuu dabku durba jaray.
Buurta Nyiragogo waxay ka mid tahay buuraha fulkaanaha joogtada ahi ka
qarxo ee aduunka laakiin waxa jiray walaac ah in aan si haboon aanay ula
socon fulkaanahaas wakaaladda la socodka fulkaanaha ee Goma tan iyo markii
baanka aduunku ka jaray dhaqaalihii uu siin jiray eedo musuqmaasuq awgood.
Warbixin ay soo saartay 10 bishan May ayay wakaaladdu digniin ay soo saartay
ku sheegtay in kordhodhka dhaqdhaqaaqa dhulka hoostiisa ee buurta
Nyiragongo kordhay.
Fulkaanihii dadka ugu tirada badani ku dhinteen wuxuu buurtaa ka qarxay
sannadkii 1977 waagaas oo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof.