Koofur Afrika oo Sanadka soo Socda Heleysa Tallaalka Korona

0
198

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Wasaaradda caafimaadka dalka Koofur Afrika ayaa sheegtay in bartamaha sanadka soo socda ay guddoomi doonaan shixnaddii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaalkaas oo ay ka faa’iideysan doonaan 10% dadka dalkaas ay ku baxayso lacag dhan 22 milyan oo dollar.

Xukuumadda Koofur Afrika ayaa sidoo kale wadda dadaallo ay uga baaraandegeyso in tallaalka xanuunka COVID-19 ay uga iibsato shirkado ay ka mid yihiin Johnson & Johnson, Novavax Inc, AstraZeneca Plc and the Pfizer Inc iyo BioNtech.

Koofur Afrika aya asheegtay in bartamaha sanadka soo socda ay heli doonto tallaalka xanuunka Korona iyada oo gacan ka heleysa Hindisaha Caalamiga ah ee Covax oo ah hindise ay taageereyso Hay’adda Caafimnaadka Adduunka ee WHO kaas oo dalalka dakhligoodu hooseeyo ka caawin doona in ay helaan tallaalka.

Koofur Afrika ayaa safka hore kaga jirta dalalka Afrika ee uu sida ba’an u aafeeyay xanuunka Korona. Khamiistii ayuu madaxweynaha dalkaas Cyrill Ramaphosa xayiraado la xariira Korona ku soo rogay magaalada Mandella Bay oo ah magaalada lixaad ee ugu dadka badan dalkaas kuna noolyihiin 1.3 milyan oo qof.