Koofur Afrika oo Dalkeeda Ka Eryeysa Diblomaasiyiinta Lesotho.

0
124

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Koofur Afrika ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka ceyrinayso diblomaasiyiin ka soo jeeda Lesotho.

Tallaabadan ayay Koofur Afrika ku sababeysay in ay ka dambeysay kaddib markii diblomaasiyiinta Lesotho u jooga dalkaas lagu helay in ay si sharci darro ah uga ganacsanayeen khamri canshuur dhaaf lagu soo geliyay dalkaas.

Diblomaasiyiinta ayaa lagu eedeeyay in ay ku takrifaleen xasaanaddoodii diblomaasiyadeed oo ay suuqa soo geliyeen khamri iyaga loogu talagalay.

Koofur Afrika ayaa muddo 72 saacadood ah u qabatay diblomaasiyiinta Lesotho in ay kaga baxaan dalkeeda.

Lesotho ayaa dhankeeda ka garowday falka foosha xun ee ay ku kaceen diblomaasiyiinteeda waxayna wacad ku martay in diblomaasiyiintaas ay tallaabo ka qaadi doonto marka ay soo guryo noqdaan.

Warbaahinta Koofur Afrika ayaa sheegay in diblomaasiyiinta Lesotho ay heysato xaalad dhaqaale xumo taas oo ku riixday in khamri canshuur dhaaf ay ku soo geliyeen dalka ay dib uga xaraashaan makhaayadaha iyo goobaha lagu cabo khamriga ee Koofur Afrika.