Klopp Oo Magacaabay Weeraryahanka Real Madrid Ay U Baahan Tahay.

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa raadinaysa weeraryahan cusub. Kooxda reer Madrid waxay doonaysaa inay sameyso saxiix xagaagan.

Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa in madaxa guud ee kubadda cagta ee kooxda Red Bull iyo tababarihii hore ee Liverpool, Jurgen Klopp, uu kula taliyay Real Madrid inay la saxiixato weeraryahanka RB Leipzig ee Benjamin Sesko. Si kastaba ha ahaatee, Florentino Perez ayaa go’aansaday inuusan wax saxiix ah la sameyn weeraryahanka reer Slovenia.

Real Madrid waxay hadda raadinaysaa weeraryahan khibrad leh oo jaban si uu u xoojiyo fursadaha beddelka ee kooxda.

Waxaa hore loo sheegay in Sesko ay u badan tahay inuu ku biiro kooxda Arsenal ee London.