Khamenei oo soo xulay saddex wadaad oo sare si ay u badalaan haddii la dilo.

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saraakiisha Iran ayaa sheegay in hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, uu soo xushay saddex wadaad oo waaweyn oo u sharaxan inay xilka kala wareegaan hadii la dilo.

Waxa ay intaa ku dareen in Hogaamiyaha Sare uu ka warqabo in Israel ama Mareykanka laga yaabo inay isku dayaan inay dilaan.

Isaga oo ka duulaya suurtogalnimadaas, waxa uu qaatay go’aan aan caadi ahayn oo uu ku hawlgelinayo Golaha Khubarada, oo ah hay’ad diimeed u xilsaaran magacaabista Hoggaamiyaha Sare, isaga oo si degdeg ah uga dhex doortay qofka beddelaya saddexda magac ee uu soo jeediyay, sida laga soo xigtay New York Times.

Habka magacaabista Hoggaamiyaha Sare ee cusub ee Iran waxay caadi ahaan qaadataa bilo, iyadoo wadaadadu magacyo ka dooranayaan liiskooda. Laakin iyadoo dalka uu dagaal ku jiro, saraakiishu waxay yiraahdeen Khamenei “wuxuu rabaa inuu xaqiijiyo kala-guur degdeg ah oo nidaamsan si uu u ilaaliyo dhaxalkiisa una ilaaliyo nidaamka.

” Si kastaba ha ahaatee, waxay carrabka ku adkeeyeen in Mojtaba, oo ah ina Ali Khamenei, uusan ka mid ahayn musharrixiinta beddeli doona hoggaamiyaha sare.