Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tan iyo markii uu bilowdey Roobka Deyrta waxaa ka dhashay daadad saameyn ku yeeshey dadka iyo duunyada sidoo kale waxaa weli meela badan oo kamid ah Magaalada Baydhabo waxaa fadhiya biyo kuwaas oo laga cabsi qabo in ay ka dhashaan Cuduro ay kamid yihiin Malaaria Shuban biyoodka iyo Jadeecada,si loo ogaado xaalada meelaha biyaha fahiyaan iyo Saameynta goobaha daadku maray ayaa waxa kormeer ku tagay Gudiga Gurmadka Fatahaada KG.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Maareynta Masiibooyinka KG ahna Guddoomiyaha Gudiga Fatahaada Cabdinasir Cabdi Caruush ayaa sheegey in ka gudi ahaan ay wadaan dadaalo loogu hortagayo in Cudurada ka dilaacaan meelaha ay biyaha fadhiyaan.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya