Kevin De Bruyne Oo Macasalaameeyey Man City Una Duulay Waddankiisa Belgium?

0
80

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Belgium ee Kevin De Bruyne ayaa ciyaartoyda kooxdiisa kusii salaamay garoonka tababarka shalay, waxaana uu u duulay waddankiisa Belgium oo uu in muddo ah joogi doono, waxaanay Manchester City si dhab ah u gelaysaa suuqa oo ay ka doonayso inay la saxeexato ciyaartoygii u beddeli lahaa De Bruyne.

Pep Guardiola ayaa la sheegay in uu doortay xiddiga reer Brazil ee Lucas Paqueta oo khadka dhexe uga ciyaara West Ham oo qiimihiisa lagu sheegay £85 milyan oo Gini.

Xiddigan ayaa shalay u duulay magaalada Antwerp ee xeebta ku taalla oo uu ku geli doono qalliin uu ku samaynayo khabiir takhasus ah oo uu kalsooni ku qabo laacibkan, waxaana qalliinka kor joogtayn doona dhakhaatiirta Manchester City.