Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kevin De Bruyne ayaa diiday dalabyo uga yimid labo kooxood oo Premier League ah ka hor inta uusan la gaarin heshiis uu ugu biirayo Napoli xagaagan.
De Bruyne ayaa ku dhawaaqay horaantii xilli ciyaareedkan in tani ay noqon doonto kiisii ugu dambeeyay ee kooxdii uu ku soo biiray 2015.
33-sano jirkaan ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican taariikhda Premier League tobankii sano ee la soo dhaafay, isagoo kula guuleystay lix horyaal, 7 koob oo gudaha ah iyo Champions League.
De Bruyne ayaa Man City u dhaliyay in ka badan 100 gool wuxuuna sameeyay 177 caawin – waana xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda ee premier League.
Sida laga soo xigtay talkSPORT, Aston Villa iyo West Ham ayaa labaduba u dhaqaaqay De Bruyne waxayna isku dayeen inay ku tijaabiyaan inuu sii joogo Premier League.
Laakin De Bruyne ayaa iska diiday in uu ku biiro koox kale oo premier League ah waxana uu ka doortay Napoli.