Kenya Red Cross oo sheegtay in ay u baahan tahay 7 bilyan oo looga falcelinaya saameynta daadadka

0
66

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society ayaa shaacisay in ay u baahan tahay qiyaastii 7 bilyan oo shilin.

Dhaqaalahan ayay hoosta ka xarriiqday in uu yahay mid looga falcelin karo saameynta ka dhalatay roobabka culus ee da’aya iyo daadadka.

Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Xoghayaha Guud ee Kenya Red Cross Dr. Axmed Idris oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen.

Waxaa uu xusay in 34 ka mid ah ismaamullada dalka ay ku barakaceen 47,000 oo qoysas ah.