Kenya oo u Diyaar Garoobeysa Mowjadda Afaraad ee Xanuunka Covid-19

0
188

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in isbitaallada dalkaas ay u diyaar-garoobayaan sidii ay ula tacaali laahayeen kiisaska sii kordhaya ee dadka uu haleelayo xanuunka Covid-19.

Isbitaallada ayaa bilaabay diyaarinta agabka ay bukaannadu ku neefsadaan iyo sariiro dheeri ah oo ay suuragal tahay in loo baahdo.

Wasiirka caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe ayaa dhawaan bulshada Kenyaanka ah ugu baaqay in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaadka isaga oo sidoo kale ka digay in mowjadda afaraad ee xanuunka Covid-19 ay ka halis badnaan doontoo saddexdii mowjadood ee hore.

Wasiirku ma aanu sheegin xilliga ay bilaabanayso mowjadda afaraad hase yeeshee wargeyska The Star oo soo xiganaya machadka cilmi barista caafimaadka dalkaas ayaa sheegay in mowjadda cusub ay bilaaban bishan May ilaa August.

Isbitaallada sida gaarka loo leeyahay ee Nairobi ayaa bilaabay in ay keydsadaan Oxygen-ka iyada oo maantana la furi doono Isbitaalka MP Shah oo ah xarunta Oxygen-ka.

Hay’adda Caafimaadka Dunida ayaa dalalka Afrikaanka ah ugu baaqday xoojinta adeegyada daryeelka caafimaad xilli qaaradda Afrika uu ka sii gabaabsanayo tallaalka Covid-19.

Sida laga soo xigtay WHO, Afrika ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay diiwaan gelisay koror 20% ah oo ku yimid bukaannada uu soo ridanayo xanuunka Covid-19.

Uganda, Angola iyo Namibia ayaa noqday dalalka diiwaan geliyay kiisaska ugu badan ee xanuunka Covid-19.