Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo 3-da bishan 11-aad aan wadanka dibadiisa loo iibgeyn afakaadhaha.
Waxaa amarkan ku meel gaarka ah soo saaray maamulka dalka ee qaabilsan cuntooyinka iyo beeraha ee (AFA).
Tani ayaa loo aaneeyay in marka hore la doonayo in la sameeyo suuqgeyn tayeysan oo maxalli iyo caalami ah.
Go’aankan oo soo baxay 31-dii bishii hore ayaa dhanka kale lagu doonaya in looga hor tago in dibadda loo dhoofiyo afakaadho weli cayriin ah si aynan saameyn u soo gaarin ka ganacsiga dalagyada lagu soo saaro gudaha wadanka.
Bishii Sagalaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay Kenya Afakaadhaha u dhoofisay India.