Kamala Harris oo xisbiga Dimuqraadiga ku mataleysa doorashada.

0
44
TOPSHOT - US Vice President and Democratic presidential candidate Kamala Harris speaks at her campaign headquarters in Wilmington, Delaware, on July 22, 2024. Harris on Monday compared her election rival Donald Trump to "predators" and "cheaters," as she attacked the first former US leader to be convicted of a crime. (Photo by Erin SCHAFF / POOL / AFP) (Photo by ERIN SCHAFF/POOL/AFP via Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa heshay codad ka badan tiradii looga baahnaa ee xubnaha xisbiga Dimuqraadiga, waxa ayna noqotay musharaxa u tartamaya doorashada madaxtinimada dalka mareykanka iyadoona ku mataleysa xisbigeeda.

Kamala ayaa sheegtay in ay “si xushmad weyn ku jirto u qaadaneyso suurtagalnimada magacaabistaan oo hor dhac ah’’ waxaana magacaabista rasmiga ah ay dhici doontaa dabayaaqada bishaan, iyadoona lagu qaban doono Chicago.

Doorashadaan Kamala ay codadka badan ku heshay oo ay xisbiga qabteen ayaysan jirin qof la tartantay haweeneydaan, iyadoona bishii la soo dhaafay uu madaxweyne Joe Biden uu isaga haray tartanka waxa uuna taageero u muujiyay Kamala.

Waxaa kale oo jiray in qaar kamid ah dadkii loo maleynayay in ay tartami lahaayeen ay taagero u muujiyeen madaxweyne ku xigeenka.

Jimcadii shalay ayay ahayd markii ay codbixinta xisbiga dhacday, iyadoona heshay codad gaaraya 2,350 cod iyadoona loo baahanyahay in lagu dhawaaqo dadka codeeyo.

Ms Harris hadii ay ka guuleysato Donald Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ku matalaya doorashada qabsoomeysa November, waxa ay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Mareykanka.