Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa dib u xaqiijisay taageerada ay u hayso Israa’iil khudbaddeedii aqbalaadda magacaabista musharraxa xisbiga ee shirweynihii ka dhacay magaalada Chicago. Harris ayaa muujisay in maamulkeedu aanu ka weecan doonin dhabbihii Joe Biden ee siyaasadda dagaalka Gaza.
Wufuudda taageersan Falastiin ayaa sheegay inay wadi doonaan sii riixitaanka in shuruud lagu xiro kaalmada milatari ee Maraykanku uu siiyo Israa’iil .