Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyado laga duulayo ka wacyi gelinta bulshada qataraha ka imaan kara digniinaha maalma kahor ay soo saartay Ha’yadda Maaraynta musiibooyinka qaranka ee Sodma ayaa Iskuduwaha Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka bada Dowlad Goboleedka K.G.S ee Degmada baraawe Cabdulahi Yussuf ayuu kormeer iyo indha indhayn ah ku tagay goobo ay kamid yihiin xeebta dheer ee Magaalada Baraawe islamarkaana bulshada u sheegay in ay qaataan fariinta ka timid Hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka sido kalana iskuduwaha ayaa u sheegay kallumaysatada ka shaqeysata xeebaha inay muujiyaan taxadar dheeri ah.
Maxamed Cali Samow. ayaa faah-faahinaya