Kaddib imaatinka Old Trafford ee Erik ten Hag, Marcus Rashford waa mid ka mid ah lix ciyaaryahan oo ay Manchester United iska iibin karto xagaagan

0
179

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay iibin karto Aaron Wan-Bissaka, Eric Bailly, Phil Jones, Alex Telles, Anthony Martial iyo Marcus Rashford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Red Devils ayaa macallinkeeda cusub u magacaabatay Erik ten Hag, tababaraha reer Holland ayaana la siin doonaa illaa 200 milyan oo gini oo uu ku hagaajiyo kooxda suuqa soo socda.

Paul Pogba, Nemanja Matic, Jesse Lingard, Edinson Cavani, Juan Mata iyo Lee Grant ayaa dhammaantood qandaraaskooda kooxda uu ku eg yahay dhammaadka bisha June, waxaana la filayaa inay tagaan.

Dhinaca kale Jariiradda The Mirror ayaa warinaya in Wan-Bissaka, Bailly, Jones, Telles, Martial iyo Rashford dhammaantood la iibin karo si kor loogu qaado Miisaaniyadda garoonka Old Trafford.

Martial ayaa haatan amaah kula jooga Kooxda Sevilla, laakiin waxaa la filayaa inuu ku laabto Man United dhammaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda reer Spain aysan qorsheyneynin inay wadahadallo la furto si ay u wada iibsato.

Rashford ayaa la siiyay ku bilaabasho naadir ah kulankii Liverpool ee Premier League Talaadadii, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa markale ku guuldarreystay inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii saxda ahaa, waxaana laga yaabaa inuu xagaagan ka tago kooxda isagoo isku dayaya inuu dib u soo nooleeyo xirfaddiisa ciyaareed.

Dhinaca kale daafacyada Wan-Bissaka, Bailly, Jones iyo Telles looma maleynayo inay ku jiraan qorshaha horay loogu dhaqaajinayo kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ee tababare Ten Hag.