Weeraryahankii hore ee Kooxda Paris Saint-Germain ayaa dhaliyey goolkii labaad kulankii xalay ay 3-1 Man United ku garaacday Tottenham Hotspur, waxaana uu ahaa Madax markii uu dhalinayey uu si aad ah u soo duulay, laakiin mustaqbalkiisa wixii ka dambeeya dhammaadka xilli ciyaareedka weli ma cadda.
Cavani ayaa la la xiriirinayey inuu dib ugu laaban doono Koonfurta Ameerika si uu ugu biiro kooxda Boca Juniors si uu ugu dhowaado qoyskiisa, laakiin Solskjaer ayaa ku adkeysanaya in inaysan wax qarsoodi ah ahayd rabitaanka Red Devils ay ku doonayaan inay ku sii haystaan laacibkan.
Isaga oo la hadlayay Sky Sports News, Solskjaer ayaa yiri: “Waxaan la yeelannay kulamo horudhac ah oo daacadnimo ah, ma jiro wax qarsoodi ah, waxaan doonaynaa inaan sii haysano Cavani.”
Goolkii uu xalay ka dhaliyey Cavani kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa ka dhigaysa inuu goolashiisa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ka dhigtay 7 gool, waxaana wadar ahaan uu ku guuleystay inuu safto 20 kulan oo horyaalka ah kuwaasoo intooda badan uu ka soo kacayey kursiga keydka.