Ka hor kulanka habeen dambe ee Inter Milan xiddig muhiim u ah kooxda Real Madrid oo la soo warinayo inuu ku dhacay Korona Fayras

0
222

Tumblr Pinterest Reddit VKontakte Odnoklassniki PocketDhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Sida wararku ay tilmaamayaan laacib ka tirsan kuwa ugu muhiim kooxda Real Madrid ayaa laga helay Korona Fayras ka hor kulanka ay la leeyihiin Inter Milan habeen dambe.

Wacaal weyn ayaa soo food saaray Tababare Zinedine Zidane ka hor kulanka ay la leeyihiin Inter Milan kaddib markii baaritaannadii faafaha Korona Fayras uu ku dhacay hal ciyaarayahan oo muhiim ah, kaasoo laga helay caabuqan.

Xeerka xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA u dejisay ilaalinta badqabka xiddigaha, ciyaaryahan kasta waxa laga qaadayaa labo baaritaan ka hor ciyaarta, waxaana natiijada kama dambeysta ah ay tahay in la gudbiyo lix saac ka hor ciyaarta, iyadoo laacibka labada baaritaan ka gudba oo kaliya loo ogolaan doono inuu ka qeyb-galo tartammada ay qabato UEFA ee Champions League iyo Europa League.

Ilaa iyo haatan lama shaacin magaca xiddiga la sheegay inuu muhiimka u yahay kooxda Real Madrid ee baaritaanka ku dhacay oo laga helay Korona Fayras, laakiin UEFA ayaa horay u go’aamisay in baaritaan lagu sameeyo dhammaan xiddigaha maalin ama labo maalmood ka hor kulammada Champions League, waxaana natiijadii ugu dambeysay ee Real Madrid ay muujinaysaa sida warbixinta lagu sheegay in hal ciyaaryahan uu hayo xanuunkan.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda dalka Spain isla markaana si weyn ula socota xaaladda Real Madrid ayaa daabacday in dhammaan xiddigaha kale ee kooxda Real Madrid ay ka badqabaan xanuunkan, balse uu jiro hal laacib oo kaliya oo baaritaanka KOFID 19 ku dhacay.

Natiijada baaritaankan ayaa la shaaciyey xalay, laakiin Real Madrid ayaa maanta oo Isniin ah markale waxa ay sameyn doontaa baaritaan kale oo la filayo in si buuxda ay ugu xaqiijiso sida uu xaalku yahay.

Si kastaba ha noqontee, marka ay baaritaanka sameyso Los Blancos waxa ay maanta soo saari doontaa bayaan rasmi ah oo ay arrintan ku xaqiijinayso, waxaase laga yaabaa inay sheekada oo dhan noqoto mid aan waxba ka jirin sidii horay u dhacday bilowgii xilli ciyaareedkan markii la sheegay in Martin Odegaard uu xanuunkan hayo ka hor inta aan la beenin.

Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid ayaa haatan haysata kaliya hal dhibic kaddib labo kulan oo ay ka ciyaartay tartankan Champions League, halka Inter Milan oo ay la ballansan tahayna ay leedahay kaliya labo dhibcood.