Ka Dib Ciyaar La Isla Gaaray Rigoore, Barcelona Oo Finalka Super Copa Ku Balansatay Real Madrid

0
164

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona iyo Real Betis ayaa nasiinada ku aaday  natiijo hal gool aheyd oo ay lahaayeen wiilasha Xavi , waxa ayna  ciyaarayeen semi fnalka Super Copa.

Barcelona ayaa qeybtaas ku sareesay kubad haysashada mararka qaar %69 ayay gaarayeen.

Si ayay  biloowgii u yaaareen fursadaha xilli Barca daqiiqadii 23 gool Var ka diiday , waxa ayna Betis ku tiirsanaayeen rogaal celiska waliba goosha Barca waa ay tagayeen.

Goolka nasiinada lagu aaday ee Barca waxa uu yimid daqiiqadii 40-aad waxaana saxiixay Lewandowski.

Sidaas oo ay tahay Barcelona waa ku adkeyd in si sahal ah ku tagaan afka hore haddii ay dhacdana waa ku yareyd  in kubadda si sax ah afka hore u gaarsiiyaan  xilli cilad ay ka muuqatay garbaha middig iyo bidix.

Soo laabashadii ,  biloowgii ma jirrin wax fursad xaqiiq ah , kubadana waa iska boobayeen xilli ay muuqatay mid ka dwan qeybtii hore.

Barcelona iyaga ayaa ku sareeysay maamulka kubadda mararka qaar %63 ayay gaarayeen balse daafac ayay wajahayeen xili Betis iyana ka sheeganayeen dhibaato ah in kubadda si sax ah u geeyan afka hore  ilaa daqiiqadii 77-aad oo ay heleen goolka bar bar dhaca waxaaa saxiixay N. Fekir.

Ka dib goolkaas ciyaarta deg degsiimo ayay yeelatay labada dhinac waa laga filan karay ilaa Barca ay dhaliyeen gool labaad  balse VAR ayaa diiday  hal Betis uu gool xaqiiq ah ka bad baadiyay goolhayaha Barcelona daqiiqadii 83-aad.

Waqtgii  geerida waa is ciqaabeen balse goolhayayaasha ayaa foojignaa waliba kan Betis oo Fati gool u diiday , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay min halkaas gool iyadoo la aaday waqti dheeri.

Biliiwgoo waqtigii dheeriga , Barca gool auau durba keeneen waxaana gantaal mid aheyd shabaqa dhigay Fati oo cel celis ahaa .

Ciyaar qurxoon deg degsiimo leh ayay aheyd Betis wax waliba laga filan karay ilaa ay keeneen gool cajib ah oo cirib ahaa ayay ku bar bareeyeen Barcelona daqiiqadii 101.

Qeybta labaad ee waqtiga dheeriga ciyaarta labada dhinac waa u furneyd walba xaraarad ayay laheyd balse ugu dambeyn rigooro ayay isla tageen  xilli goolhayaha Betis uu ahaa bad baadiye cajiib ah.

Ugu dambeyn waxaa laadaadkii rigoorada ku soo baxay Barcelona waxa ayna u mahad celinayaan goolhayahooda.