Juventus Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay In Paul Pogba Uu Ku Dhacay Baaritaanka Isticmaalka Daroogada Mamnuuca ah.

0
84

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Juventus ayaa warbixin rasmi ah ka soo saartay ganaaxa hordhaca ah ee la duldhigay Paul Pogba ka dib markii uu ku dhacay baaritaanka daroogooyinka mamnuuca ka ah isboortiga ee horyaalka Serie A, iyadoo sheegtay in ka fiirsan doonto talaabooyinka xiga.

Xiddiga khadka dhexe ayaa laga helay baaristii dhigiisa in heerarka hormoonka ragga ee testosterone uu sarre u kacsan yahay ka dib kulankii ay 3-0 uga badiyeen Undinese ee 20ka Agoosto.

Pogba ma uusan ciyaarin kulankaas wuxuu fadhiyay kursiga keydka laakiin waxa uu ka mid ahaa xiddigo loo xushay in laga baaro isticmaalka daroogooyinka mamnuuca ah.

Pogba ayaa haatan la duldhigay ganaax hordhac ah ilaa iyo inta laga xaqiijinayo dhiigii labaad ee laga qaaday maalintaas.

Waxaa haatan la baarayaa dhiigii labaad ee laga qaaday Pogba maalintaas si loo xaqiijiyo in heerka testosterone-ka uu kacsan yahay, waxayna taasi keeni doontaa in afar bilood laga mamnuuco kubada cagta.

Xitaa haddii lagu waayo inuu si ku talogal ah u isticmaalay dawooyinka kobciya jirka ee mamnuuca ah waxay qaadan doontaa waqti dheer inta laga xaqiijinayo iyadoo daafaca Atalanta Jose Luis Palomino uu ganaaxiisa qaatay afar bilood inkastoo markii danbi lagu waayay wax danbi ah.