Juventus oo soo gabagabaysay guuldarro la’aantii AC Milan kaddib markii ay ku soo garaaceen garoonka San Siro

0
260

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa soo gabagabaysay guuldarro la’aantii AC Milan kaddib markii ay 3-1 ku soo garaaceen kulan qeyb ka ah horyaalka Serie A oo ay ku booqdeen garoonka San Siro.

Juventus ayaa goolka la horreysay waxaana 18’daqiiqo u dhaliyey Federico Chiesa kaddib markii kubbad qurux badan uu cirib ugu wareejiyey Paulo Dybala, Milan ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Inta aan la aadin qeybta nasashada AC Milan ayaa iska soo guday goolkaas, waxaana u dhaliyey 41’daqiiqo Davide Calabria kaddib markii uu shabaqa u diray baas uu ka helay Rafael Leao, ciyaarta waxaana lagu kala nastay gar isku mid ah 1-1.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Juventus ayaa hoggaanka ciyaarta dib ula wareegtay.

Markale ayuuna shabaqa soo taabtay Federico Chiesa, waxaana markale caawiyey goolkan Paulo Dybala 62’daqiiqo Milan ayaana lagu hoggaamiyey 2-1.

Image

Goolka rajada ka dilay Kooxda AC Milan waxaa dhaliyey 76’daqiiqo Weston McKennie, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-1 loogu awood sheegtay Milan.

Kooxda Milan ayaa sidaasi lagu soo gabagabeeyey guuldarro la’aanteedii iyadoo ahayd kooxda kaliya ee aan laga adkaan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ka hor kulankeeda caawa laakiin Juventus ayaa soo afjartay sheekadaas.