Wargayska “La Gazzetta dello Sport” ee ka soo baxa dalka talyaaniga ayaa sheegay in xiddiga reer Argentina iyo koooxda Manchester United ee Sergio Aguero, iyo Moise Kean ay yihiin kuwa ugu cad cad liiska ciyaartooyda u sharaxan inay ku biiraan Bianconeri.
Wargeyska reer Talyaani ayaa xaqiijiyay inay jiraan magacyo kale oo liiska ku jira, kuwaas oo kala ah, Olivier Giroud, Raúl Jiménez, Edin Džeko, Arkadiusz Milik iyo Gianluca Scamacca.
La Gazzetta ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka marwada duqda ah ay ku saleyn doonaan go’aankooda liiska weeraryahanadan cusub arrimo farsamo iyo dhaqaale.
Qandaraaska Aguero ee Manchester City ayaa lagu wadaa inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkaan, halka Moise Kean ay uu amaah ugu ciyaarayo Paris Saint-Germain isagoo kaga soo biiray naadiga reer England ee Everton.
Waxaa xusid mudan in Moise Kean uu Everton kaga soo biiray kooxda Juventus xagaagii 2019, aduun dhan 30 million euros.