Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay beddeka Paulo Dybala ka dhex aragto naadiga reer England ee Chelsea.
Warsidaha Tuttosport ayaa warinaya in Juventus ay bartilmaameed ka dhiganayso Weeraryahanka Kooxda Chelsea ee Christian Pulisic.
Xiddiga xulka qaranka Mareykanka ayaa shaki la galiyey mustaqbalkiisa Chelsea kaddib hadallo ka soo yeeray Aabihiis oo ku aaddanaa in uusan si joogta ah ugu soo bilaaban safka hore ee garoonka Stamford Bridge.
Juventus ayaa Pulisic u aragta beddelka ugu macquulsan ee Paulo Dybala maadaama uu qandaraaskiisu dhammaanayo, laakiin xiddiga kooxda Sassuolo ee Giacomo Raspadori ayaa sidoo kale ku jira xiddiga ay suuqa ka doonayaan.