Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa maanta garoonka Anfield ku ciyaaraysa kulankeedii koowaad ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedka, waxaana uu tababare Jurgen Klopp soo saaraya liiska ciyaartoyda uu kal aahor tegayo Bournemouth oo ay ku qaabbilayaan garoonkan.
Reds oo barbarro lasoo gashay Chelsea toddobaadkii hore, ayaa waxay raadinaysaa guusheedii koowaad ee xilli-ciyaareedka cusub iyada oo garab ka helaysa taageereyaasha soo camiraya garoonka Anfield oo wali qaybo ka mid ah ay ka socdaan dhismeyaal lagu ballaadhinayo.
Tiro ciyaartooyo ah ayaa ka dhaawacana Liverpool sida Thiago Alcantara iyo Stefan Bajcetic, hase yeeshee waxa ayaa liiska ku jira balse aan wali ruqsadda shaqada helin saxeexa cusub ee Wataru Endo oo illaa daqiiqadda ugu dambaysa ay Liverpool sugi doonto in dawladda UK ay siiso ogolaanshaha caalamiga ah ee uu laacibkani kaga shaqaysan karayo gudaha dalka.
Watarau Endo oo ay Liverpool kaga soo iibsatay Stuttgart lacag dhan £16.25 milyan oo Gini ayay u badan tahay in uu ciyaarta ka maqnaado, waxaanay isku mid yihiin Curtis Jones oo isagana uu dhaawac soo gaadhay oo aan la hubin in uu ciyaari odono iyo inkale, inkasta oo uu ku jiro liiska kooxda.
Khadka dhexe ee Liiverpool ayaa waxa kaliya taam ah oo jooga Dominik Szoboszlai, Alexis Mac Allister iyo Harvey Elliott, hase yeeshee wxa uu tababare Jurgen Klopp khadka dhexe u isticmaali karaa Cody Gakpo ama Trent Alexander-Arnold oo hore loosoo riixi karayo.
Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Bournemouth ee galabta
Goolhayeyaal: Alisson Becker, Caoimhin Kelleher, Adrian
Difaacyahanno: Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Joel Matip, Ibrahima Konate, Virgil van Dijk, Jarell Quansah, Kostas Tsimikas, Andy Robertson
Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Harvey Elliott, Curtis Jones, Wataru Endo, Bobby Clark, James McConnell
Weerarka: Mohamed Salah, Diogo Jota, Cody Gakpo, Luis Diaz, Darwin Nunez, Ben Doak
Shaki ku jiro: Curtis Jones, Wataru Endo
La hubo maqnaanshahooda: Stefan Bajcetic, Thiago Alcantara