Jurgen Klopp Oo Si Aan Gabasho Laheyn Aflagaado Ugu Miisay Tartanka Koobka Adduunka Ee Kooxaha

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha reer Jarmal Jurgen Klopp ayaa hadallo kulul ku weeraray Koobka Adduunka ee Kooxaha oo qaab cusub loo sameeyay, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay “fikradda ugu xun ee abid lagu dhaqaaqay kubadda cagta.”

Klopp ayaa yiri:

“Koobka Adduunka ee Kooxaha waa fikradda ugu xun ee abid lagu dhaqaaqay kubadda cagta. Dad aan waligood la kulmin shaqada maalinlaha ah ayaa keena fikradahaas.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Xagaagii hore waxaa jiray Copa iyo Euro, xagaagan Koobka Adduunka ee Kooxaha, xagaaga dambe Koobka Adduunka! Tani waa wax lala yaabo.”

Wuxuu ku soo gabagabeeyay:

“Waxaan ka baqayaa in xilli ciyaareedka dambe ay dhacaan dhaawacyo aan horay loo arag oo soo gaara ciyaartoyda, haddii aysan dhicin xilli ciyaareedka dambe, waxay dhici doonaan inta lagu jiro Koobka Adduunka ama markiiba ka dib.”

Koobka Adduunka ee Kooxaha ayaa ka socda  Maraykanka, iyadoo ay ka qeyb galeen 32 kooxood. Tartankan ayaa imanaya kaddib xilli ciyaareed aad u dheer, taasoo saameyn ku yeelan karta caafimaadka ciyaartoyda iyo awooddooda ay ugu sii wadan karaan bandhiggooda ugu wanaagsan.