Jurgen Klopp oo muujiyay sida uusan ugu qanacsanayn barbarihii ay la galeen Manchester United

0
188

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, ciyaar qeyb ka aheyd Isbuuca 18-aad ee horyaalka Premir League.

Macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Barbaro ma ahan natiijada aan dooneynay, laakiin inaan helno dhibic ma ahan wax xun.”

“Waxay aheyd inaan si fiican u ciyaarno si aan u helno seddexda dhibcood, laakiin qaab ciyaareedkeena guud wuxuu naga dhigayaa inaan u qalanay guul, laakiin ma aanan dhalin wax gool ah sidaas darteedna maanaan helin.”

“Kuma dhalin kartid xoog, waxa ugu muhiimsan waa falcelintaada ee fursadihii lumay, waan jeclaaday ciyaarta waxaanan arkay heerar shaqsiyadeed oo wanaagsan, waa inaanu samaynaa waxyaabaha saxda ah oo aan abuurno fursado badan markaas waanu dhalin doonaa.”

“Waa inaan sii wadnaa horumarka oo aan isku daynaa, oo aan iska indhatirnaa fikradaha ka baxsan kooxda isla markaana aan diirada saarnaa, hadii aadan ka faa’iideysan fursadahaaga waax la kulmi doontaa dhibaato.”

“Way sahlanaan laheyd haddii aan dhalino oo aan ka faa’iideysano fursado qeybtii hore, laakiin qaab ciyaareedkeenu wuxuu ahaa mid wanaagsan.”

“Waxaan u maleynayaa in ciyaartoydu ay maanta ciyaareen ciyaar wanaagsan. Waxaan ku fiicneyn inaan helno seddexda dhibcood, waxaan u ciyaarnay si aan caadi aheyn, laakiin ma dhalinin wax gool ah.”