Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa isbuuc weyn oo soo maray ku soo gabagabeysay guul 1-0 ay ka gaareen kooxda Newcastle United oo marti ku aheyd Etihad Stadium iyagoo uga mahadcelinaya gool uu dhaliyay Julian Alvarez.
Kooxda Pep Guardiola ayaa xilli ciyaareedka Premier League ku bilaabatay 3-0 oo ay kaga badiyeen Burnley Jimcihii la soo dhaafay ka hor inta aysan koobka UEFA Super Cup rigoore uga qaadin Sevilla.
Inkastoo uu dhaawac kaga maqnaa Kevin de Bruyne, kooxda isku qaaday seddexda koob ayaa khibrad ku dishay Newcastle oo difaac adag xiratay balse Julian Alvarez ayaa kubad uu ka helay Phil Foden si habsami leh u dhex dhigay shabaqa.
Guushaan waxay u noqotay rikoodh cusub, waana markii ugu horeysay abid ee ay badiyeen 17 kulan isku xigta oo gurigooda ay ku ciyaareen horyaalka Premier League.
Kubadsameeyaha Ingariiska Foden ayaa caawa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, waxa uu ahaa hal abuuraha kooxda, wuxuuna u diiday Newcastle inay waqti u hesho inay helaan goolka barbaraha.
City waxay hogaanka Premier League lix dhibcood kula heysaa kooxda Brighton iyadoo kooxda Brighton ay farqiga goolasha ku horeysa ka dib markii ay maanta 4-1 uga soo badiyeen Wolves.