Jules Koundé oo fariintiisii ​​ugu horreysay u diray taageerayaashiisa Barcelona

0
436

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daafaca Barcelona ee Jules Koundé ayaa farriintiisii ​​ugu horaysay u diray jamaahiirta kooxdiisa kaddib markii uu kaga soo biiray Seville.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday saxiixa Koundé kaddib markii ay dhamaystirtay heshiiskii ay la gashay kooxda Seville, kaddib markii ay adeega ciyaaryahanka si xoogan ugu dagaalameen naadiga reer London ee Chelsea.

Barcelona ayaa heshiis la gaartay Sevilla oo ay kala soo wareegtay Jules Kounde oo ay kasoo bixinayso 50 milyan oo eruro oo naqad lagu bixinayo iyo 10 milyan oo euro oo kale oo ku xidhnaan doona bandhig ciyaareedkiisa, waxaanu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2027.

Wargeyska Mirror ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Jules Koundé, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Aad ayaan ugu hanweynahay, ugana mahadcelinayaa fursadan, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku biiro koox weyn.”

“Runtii aad ayaan u rajaynayaa in aan la ciyaaro kooxda oo aan barto saaxiibadeyda kooxda.”

“Sevilla waa koox weyn, laakiin Barcelona waa tallaabada xigta ee xirfadeyda heer kasta.”

“Shaqsi ahaan, marka laga hadlayo kubadda cagta, aad ayaan u faraxsanahay, waxaana doonayaa inaan u tartamo tartan kasta si aan ugu guuleysto.”

“Waxaan isku dayi doonaa inaan ku guuleysto sida ugu macquulsan, waana sababta aan halkaan u joogo.”

Jules Koundé oo 24 jir ah ayaa u soo ciyaaray Sevilla intii u dhaxaysay 2019 iyo 2022, wuxuuna mudadaas u ciyaaray 133 kulan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 9 gool wuxuuna 3 gool kale ka caawiyay saaxiibadiis.