Jug Weyn Oo Soo Gaadhay Bayern Munich Ka Hor Kulanka Arsenal Ee Champions League

0
116

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bayern Munich ayaa diiwaangelisay dhaawac soo gaadhay xiddiga reer Germany ee Kingsley Coman oo ka baxay garoomada ka hor ciyaarta Arbacada ee lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League ee ay Munich martigelin doonto Arsenal.

Thomas Tuchel ayaa uu madax-xanuunku kusii badnayaa iyadoo ay kusoo waajahan tahay ciyaarta ay ku xidhan tahay mustaqbalka kooxdiisa ee xilli-ciyaareedka, taas oo laga doonayo inay guul ka gaadho Arsenal lugta labaad.

Bayern Munich oo uu hore uga dhaawacmay Serge Gnabry oo ahaa laacibkii goolka koowaad u dhaliyey ciyaartii Arsenal ee lugta hore ee wareegga sideedda Champions League, ayaa waxa mar kale uu dhaawac soo gaadhay Kingsley Coman oo garoonka ka baxay bilowga qaybta labaad ee ciyaartii maanta ay Munich 2-0 ku garaacday Cologne.

Daqiiqaddii 48aad ayaa Coman uu awoodi waayey inuu lugihiisa ku socdo oo uu ciyaarta sii wato, waxaana lagu beddelay Jamal Musiala oo uu Tuchel u qorsheeyey inuu nasiyo si uu taam ugu ahaado ciyaarta Arsenal.

Ka sokow dhaawaca Coman iyo Serge Gnabry, Bayern Munich ayaa waxa sidoo kale ka maqnaan doona difaaca bidix ee Alphonso Davies oo ganaax ku seegi doona ciyaarta ay kooxdiisu garoonka Allianz Arena kusoo dhoweynayso Gunners.