Jude Bellingham Oo Rumeeyey Riyadiisii, Kuna Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Bisha Ee LaLiga

0
139
Real Madrid's English midfielder #05 Jude Bellingham celebrates scoring his second goal during the Spanish Liga football match between UD Almeria and Real Madrid CF at the Municipal Stadium of the Mediterranean Games in Almeria on August 19, 2023. (Photo by JORGE GUERRERO / AFP) (Photo by JORGE GUERRERO/AFP via Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer England ayaa rumeeyey riyo dhif iyo naadir kusoo marta ciyaartoyda, kaddib markii uu ku biiray Real Madrid ee si cajii  ah ula jaan-qaaday, waxaana uu isku diyaarinayaa in la guddoonsiiyo abaal-marinta xiddiga bishii August ee horyaalka Spain ee LaLiga.

Jude Bellingham oo ay Real Madrid kala soo wareegtay Borussia Dortmund xagaagii, ayaa saddexdii ciyaarood ee ugu horreeyey ee uu u saftay kooxdiisa dhamaantood goolal dhaliyey, waxaana isugeyn uu saxeexay afar gool.

Ciyaartii koowaad ee uu u saftay naadigiisa ee Athletic Bilbao ayaa uu shabaqa soo taabtay, waxaana uu laba ku daray ciyaartii xigtay ee Almeria, halka Celta Vigo uu toddobaadkan ka dhaliyey gool madi ahaa oo ay kooxdiisu ku heshay saddexda dhibcood.

Los Blancos oo ah kooxda hoggaaminaysa horyaalka LaLiga, ayaa waxa ay Jude Bellingham ula dabbaal-degaysaa abaal-marinta xiddigii bisha August, isaga oo ka mid noqonaya ciayartooyo dhif ah oo bishii ugu horreysay ee ay ku cusbaayeen horyaalka Spain nasiib u yeeshay abaal-marintan.

Si kastaba ha ahaatee, Jude Bellingham ayaa sii ahaan doona rukun adag oo Real Madrid ah waxaanay ka sugayaan inuu goolal u dhaliyo sababtoo ah waxa dhaawacan Vinicius Junior, taas oo keenaysa in Carlo Ancelotti uu hore ugu riixo dhinaca weerarka.