Jude Bellingham Oo Jabiyey Rikoodhkii Cristiano Ronaldo Ee Real Madrid

0
102

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa barbarreeyey rikoodh taariikhi ah oo gaar u ahaa Real Madrid kaddib laba gool oo uu ka dhaliyey kulankii ay kooxdiisu 4-0 ku xasuuqday Osasuna oo marti ugu ahayd Santiago Bernabeu.

Jude Bellingham ayaa laba gool oo qurux badan dhaliyey labadii qaybood ee ciyaarta, iyadoo kooxdiisu ku raaxaysanaysay ciyaar ay siday doonto ka yeeshay oo cadaadis badan oo ay saareen Osasuna uu sababay in aan la dareemin difaaca dhexe oo ay ka liigaysay Los Blancos oo kaliya uu uga ciyaarayay Antonio Rudiger oo lagu lamaanaysiiyey Arelien Tchouameni.

20 jirkan oo ay Real Madrid kasoo iibsatay Borussia Dortmund xagaagii ayaa toban gool dhaliyey toban ciyaarood oo uu u saftay, waxaana uu ku darsaday saddex gool oo caawin ah, isaga oo sidaas ku jabiyey rikoodhkii Cristiano Ronaldo uu ka sameeyey tobankiisii ciyaarood ee ugu horreeyey Real Madrid.

Ronaldo ayaa toban gool dhaliyey tobankiisii ciyaarood ee ugu horreeyey Real Madrid, balse uu raacsaday hal caawin oo kaliya halka Jude Bellingham uu saddex gool caawiye ka noqday.

Saamaynta uu Jude Bellingham ku leeyahay Real Madrid ayaa soo baxday bilowgiisiiba oo uu bilaabay inuu furto xisaabtiisa gool-dhalinta, waxaana uu ku siqayaa in uu jabiyo rikoodhkiisii ugu fiicnaa ee gool-dhalinta ee intii uu ku jiray kubadda cagta oo ahaa 14 gool oo uu xilli-ciyaareedkiisii ugu dambeeyey u dhaliyey kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund, waxaanu hadda u jiraa afar gool oo kaliya.

Jude Bellingham ayaan uga baahanin Real Madrid wax la qabsi ah, sidoo kalena waxa aanu wax culays ah ku dareemin shaadhka kooxda oo ciyaartoydu la rafaadaan bilowga hore maadaama ay indhuhu hayaan oo cadaadis badan la saaro.