Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa daah furay
hanaanka Adeeg daadajinta Dowlada Hoose oo ay hirgalinayso Wasaarada
arimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisinta Dowlada Jubaland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu ahmiyad weyn u leeyahay
bulshada loona baahan yahay inay u diyaar garooban sidii ay usoo dooran
lahaayeen dadka matalaya taas oo ay garab socoto in hanaanka adeeg bixinta
hoos loo dhaadhiciyo oo qof walba uu meesha uu joogo ku helo adeega
Dowlada.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hanaanka maamul ee dalku uu yahay
mid heerar kala duwan ah, isagoo ka kooban Dowlada Federaalka ah
Dowadaha xubnaha ka ah iyo Dowladaha hoose sidaasna hanaanka adeeg
bixintu uu u yahay mid u baahan in lasii dhaadhiciyo oo is kabaya.
Madaxweynahu wuxuu sheegay barnaamijka JPLG-gu uu yahay mid wax badan
kusoo kordhin doona Jubaland gaar ahaan mashaariicda iyo adeegyada aas
aasiga u ah nolosha, iyadoo Dowlada Jubaland ay dhinaceeda qeyb ka
qaadanayso sidii uu u hirgali lahaa gaar ahaana Madaxweynahu uu soo dhisayo
Xafiiska Wasaaradaha shaqadan qabanaya la shaqayn lahaa.
Waxaa Madaxweynahu uu faray Wasaarada arimaha gudaha iyo
deeqbixiyaasha barnaamijkan fulinaya inay soo dhisaan golayaasha deegaanka
oo lagu bilaabayo Degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hada diyaar u ah
iyadoo lagu xijin doono degmooyinka kale si shacabku ay usoo doortaan dadka
matalaya oo ayna magacaabis ugu iman.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Wasaarada arimaha
gudaha Federaalaynt iyo dib u heshiisinta shaqadii wanaagsanayd ee ay kasoo
qabatay bilowga barnaamijkan taas oo ah mid bogaadin mudan.