Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa dowladda Jubbaland Ibraahim Cabdi Xasan ayaa digniin u diray dadka ku xamaasha Gaari Dameerka iyo Dibida ee saara tan xad dhaaf ah oo uusan awoodin neefku, Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, isagoona laamaha amaanka faray in ay amar u qabaan cidii ay ku arkaan gaari dameer saaran hal fuusto wixii ka badan in sharciga lamariyo si Maxkamad loosoo taago.
Dhan kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa Jubbaland ayaa Dadka xoola dhaqatada ah ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan miyiga iyo dhaqashada Xoolaha Sababtana waxaa uu ku Sheegay in ay jiraan Dayac dhanka Xoolaha ah oo dadkii badankiisii Xoola dhaqatada ay ka yimaadeen Miyiga iyago markaasi doorbiday Lacago yar oo ay siiyaan Hay’aduhu.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya