Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khatar badan ay ka jirto deegaano iyo degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland kuwaas oo saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobkii ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay.
Wasiirka ayaa Hay’adaha samafalka ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qayb qaataan sidii gargaar bini’aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha iyo daadadka ka jira qeybo badan oo kamida dhulka Jubbaland.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya