Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cusmaan Jaamac oo shir jaraa’id ku Qabtay xarunta Wasaaradda ayaa digniin ka soo saaray Dabeylo xoggan oo xalay lagu arkay Qeybo kamid ah Deegaanada Jubbaland.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa si gaar ah u digtay Bulshada Dagan Degmooyinka Kismaayo, Jilib, Badhaadhe iyo Deegaano kale.
Maxamed Cusmaan Jaamac Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa fah-faahin ka bixiyay meelaha sida Weyn looga cabsi qabo in ay ku dhuftaan Daybayluhu.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya