Josko Gvardiol oo Magacaabay Kooxda uu Jeclaan Lahaa inuu ku biiro.

0
167

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol ayaa magacaabay koox premier League ah oo uu jecelyahay in uu ku biiro kuna riyoodo.

Josko Gvardiol ayaa ka mid ah daafacyada u soo baxaya kubada cagta waxana uu wacdaro ka dhigay koobka adduunka ka dhacay dalka Qatar bishii hore.

Kooxaha Man City, Real Madrid iyo chelsea ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer Croatia kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

 

Laakiin Josko Gvardiol ayaa sheegay in ay Liverpool tahay kooxdiisa riyada isla markaas ilaa yaraantiisii daawan jiray ciyaareheeda.

“Kooxdayda riyada? Taasi waa Liverpool shaki la’aan, an iyo markii aan yaraa, waxaan daawaday kulamo badan oo ay ciyaartay aniga oo la daawanaya aabahay”ayuu u sheegay RTLDanas.

“Waxaan si buuxda u daawanay kulan walba, wali waxa ay ku jirtaa qalbigayga”ayuu sii raaciyay.