Jose Mourinho Oo Ugu Dambayn Shaaciyey Sababtii Uu Mohamed Salah Iyo Kevin De Bruyne Uga Caydhiyey Chelsea

0
127

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jose Mourinho ayaa ugu dambayn daboolka ka qaaday sababtii dhabta ahayd ee uu u ogolaaday in Chelsea ay ka tagaan Kevin de Bruyne iyo Mohamed Salah oo uu isagu ka diray waqtigii uu tababaraha ka

ahaa, isla markaana ku bixiyey amaah ka hor intii aanay si rasmi ah uga iibinin kooxo kale.

Mourinho oo shaki la’aan ka mid ah tababareyaasha ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta, ayaa waxa lagu canaantaa go’aankii uu qaatay De Bruyne iyo Mohamed Salah oo uu ka caydhiyey Stamford Bridge.

De Bruyne ayaa Chelsea ay la saxeexatay sannadkii 2012, sidoo kalena Mohamed Salah ayaa Stamford Bridge yimid sannadkii 2014, balse labadoodaba waxa lagu diray amaah, iyadoo De Bruyne si rasmi ah looga iibiyey Wolfsburg halka Mohamed Salah ay Blues ka gadday Roma.

Manchester City ayaa sanadkii 2015, waxay De Bruyne kasoo iibsatay Wolfsburg, halka Liverpool ay sannad kaddib Mohamed Salah kala soo wareegtay AS Roma.

Jose Mourinho oo waraysi siiyey Mikel John Obi ayaa la weydiiyey go’aankii uu labadan ciyaartoy kaga diray Stamford Brige, waxaanu ku jawaabay: “Way tageen sababtoo ah iyaga ayaa doonayay in ay tagaan. Way naga tageen sababtoo ah ma aanay doonayn inay sugaan fursaddooda.

“Taariikhda ayaa caddaynaysa in dookhoodu uu ahaa mid wanaagsan, sababtoo ah waxay sameeyeen xirfaddii waayahooda. Waxay gaadheen darajo sarraysa, laakiin markii ay carruurta ahaayeen, waxay sameeyeen go’aamo sababtoo ah ma aanay lahayn samir iyo deggenaansho ay ku sugaan waqtiga saxda ah, mararka qaarkoodna waxa aad qaadaysaa jiho qalad ah.

“Marka ay dadku igu yidhaahdaan, ‘waxa aad ogolaatay in Salah uu tago’, waxa aan bixiyaa jawaab kasoo horjeedda. Aniga ayuu ahaa qofkii Chelsea keenay Salah. Aniga ayuu ahaa qofkii idhi ‘hala iisoo iibiyo wiilkaas’. Markii uu joogay Basel waxa uu doonayay inuu tago Liverpool, aniga ayaana ku dagaallamay oo keenay Chelsea.

“Laakiin ma aanu doonayn in uu fursaddiisa sugo, waxa uu doonayay in amaah lagu diro, kaddib ayay Chelsea go’aansatay in ay iibiso, aniguna waxa aan idhi halagu diro amaah si uu usoo helo waqti ciyaareed haddii uu u baahan yahay in uu daqiiqad kasta oo ciyaar kasta ah dheelo.”

Jose Mourinho oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa la weydiiyey Kevin De Bruyne, waxaanu yidhi: “Waxa uu noo raacay ciyaarihii saaxiibtinimo Asia ee aanu ku tagnay Indonesia iyo Thailand. Kevin waxa uu doonayay in amaah loogu diro koox Jarmal ah, aniguna waan diiday in la fasaxo, sababtoo ah waxa aan doonayay in uu kooxdayda joogo. Waa uu joogay, waxaanu bilaabay inuu ciyaaro Premier League, 11kii ciyaarood ee ugu horreeyey. Intaa wixii ka dambeeyey, waxa aanu ciyaarnay Super Cup oo Bayern Munich aanu waajahnay, isaguna ma ciyaarin kulankaas.

“Maalintii xigay, waxa uu doonayay in uu tago! Kaddib ciyaartii xigtay ayaanu Old Trafford kula ciyaarnay Man United, waxaan u malaynayaa in aanu galnay barbarro 0-0 ah. Isagu kaydka ayuu fadhiyey, balse dhamaadkii ayuu daqiiqado ciyaaray, kumana aanay filnay, kaddibna waxa uu doonay in uu tago.”

Si kastaba ha ahaatee, Salah iyo De Bruyne uma aanay ciilloonin Chelsea, waxaana ay waqti badan oo guulo ah ku qaateen Liverpool iyo Manchester City oo ay hoggaamiyeyaal ka noqdeen.