Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska Roya News ee Jordan ayaa ku warramaya in dowladda dalkaasi ay gargaar baniaadannimo oo lagu sido 70 ah baabuurta xamuulka ay u dirtay Waqooyiga Qaza.
Gargaarkan oo ay ka mid yihiin cuntooyinka kala duwan, iyo daawooyinka ayaa la gaarsiiyay Waqooyiga Marinka Qaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmadkan ay fidiyeen militariga Jordan iyo hay’adda samafalka ee (JHCO) oo kaashanaya Barnaamijka cunnada adduunka ee (WFP).
Madaxa hay’adda JHCO, Xuseen Al-Shibli ayaa laga soo xigtay in tan iyo markii uu billowday duullaanka Qaza in Jordan ay ku deeqday gargaar lagu siday 2,110 oo baabuurta xamuulka ah iyo 53 diyaaradood.