Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeygii hore ee Chelsea, John Terry, ayaa si daacad ah uga hadlay rajada kooxdiisii hore ee ku aaddan hanashada Premier League, isagoo sheegay in weli aysan u diyaarsanayn tartanka ugu sarreeya England.
Hadalkii John Terry:
“Waan ka niyad-jabaa markasta oo aan arko Chelsea oo aan koobab ku guuleysan.
Ma dhow nahay? Waxaan qabaa in sanado kale ay inaga xigaan si aan ugu tartanno horyaalka.
Arsenal, Man City iyo Liverpool ayaan u baahan nahay inaan la loolanno marka hore.”
Terry wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay khibrad iyo ciyaartoy heer sare ah si kooxda loo horumariyo:
“Waxaan u baahannahay khibrad – khibraddu waxay ka timaadaa guulaha.
Haddii aan dooneyno weeraryahan ama goolhaye heer sare ah, ciyaartoydu waxay aadaan kooxaha ku guuleysta koob.
Taageerayaashu waa inay fahmaan in guulo la’aan aysan keenaynin xiddigo waaweyn.”